Daniele Donati oo gaaray Garawe lana kulmay Madaxweyne Gaas (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Madaxa FAO ee Soomaaliya Daniele Donati iyo wafdi uu hogaaminayay.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxa FAO  Daniele Donati ayaa waxa ay kawada hadleen arrimo ay kamid ahaayeen, Kalluumeysiga, daaweynta Xoolaha iyo Xanaaneyntooda, beeraha, dhirta iyo daaqa iyo sidii wax looga qaban lahaa xaalufka deegaanka.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa uga mahadceliyey madaxa FAO ee Soomaaliya Daniele Donati sida wanaagsan FAO ula shaqeyso Puntland, iyadoona uu intaasi ku daray in FAO ay tusaale wanaagsan  u noqon doonto hay’adaha kale ee ka hawl-gala Puntland.

Sidoo kale, Madaxa FAO ee Soomaaliya Daniele Donati ayaa Puntland uga mahad celiyey sida wanaagsan ee lee soo dhaweeyey islamar ahaantana waxa uu sheegay Daniele Donati in Puntland iyo FAO ay ka dhaxeyso wada shaqeyn wanaagsan.

Ugu danbayn, Madaxweynaha  Puntland ayaa Daniele Donati iyo weftiga la socdey si qoto dheer ugaga xog Waramey xaaladda abaareed ee ka jirta Puntland, isagoo sheegay in loo baahan yahay in gurmad deg deg ah loo fidiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen, iyadoo welibana Madaxweynuha Puntland tilmaamey in ay muhiim tahay in beesha caalamku ay qayb libaax leh ka qaataan kana qayb galaan gurmadka loo fidinayo dadka ay abaaruhu ku saameeyeen Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -