Allbanaadir.com
NEWS

Sidee RW Khayre & wafdigiisa loogu soo dhoweeyey dalka Imaaraadka Carabta? (Daawo Sawirro)

Wafdigii uu horkacayey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa caawa fiidkii gaaray Magaalada Abu Dhabi ee dalka isu tagga Imaaraadka Carabta

Kheyre iyo wafdigiisa oo labo cisho joogi doona dalkaas ayaa waxaa garoonka dayuuradaha ku soo dhoweeyay Wasiirka Tamarta iyo Warshadaha Imaaraadka Carabta Suhail Mohamed Bin Faraj Al Mazrouei iyo Masuuliyiin kale.

Kulamo ayaa la sheegay iney maalinta beri ah Magaalada Abu-Dubai ku yeelan doonaan wafdiga raisul wasaaraha Somalia iyo madax sare oo ka tirsan dowlada Imaaraadka Carabta kuwasoo loga hadlayo arrimo khuseeya xiriirka labada dowladood.

Waa markii  ugu horeysay ee uu RW Khayre booqdo dalka Imaaraadka carabta tan iyo markii sanad ka hor loo magacaabay xilka, waxaana la filayaa wadahadalada labada dhinac in diirada lagu saaro sidii meesha looga saari lahaa mugdi soo kala dhex galay. mudooyinkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo xariga ka jaray xarunta keydka Qaranka ee Daawada (Sawirro)

Cabdi Cade

Halkee Farmaajo ka geli doonaa Habaarka Ikraan Tahliil Faarax Hooyadeed?

Caydiid Ali

Taliyaal Ciidan oo Caawa Kormeer kadis ah ku tagay Koontaroolada laga soo galo Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---