Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ninkii Muslimiinta ku laayay dalka New Zealand oo Maxkamad lasoo taagay (Daawo Sawirada)

Waxaa maxkamad kutaala magaalada Christchurch ee dalka New Zealand lasoo taagay ninkii ka dambeeyay weerarkii lagu laayay muslimiin badan ee ku cibaadeesaneysay  labo masjid oo kuyaala New Zealand.

Brenton Tarrant oo ah 28 ayaa maxkamada lasoo taagay isaga oo gacmaha ka xiran sidoo kale xiran dharka maxaabiista ah, ninkan ayaana la sheegay in indhaha ku gubayay saxafiyiinta iyo dadkii kale ee Maxkamada joogay.

Garsooraha Maxkamada oo ninkan kusoo eedeeyay dambiyo dil ah ayaa amray in xabsiga lagu sii hayo ilaa 5-ta nisha April xiligaas oo loo gudbin doono Maxkamada sare si dacwadiisa loo qaado.

Ninkan Maxkamada lasoo taagay ayaa ka dambeeyay weerarkii shalay ka dhacay labo masjid oo kuyaala dalka New Zealand , waxaana weerarkan ku dhintay 49-qof oo salaada Jimcaha dukanayay halka dad kale oo badana ku dhaawacmeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

War uu Cumar Finish kasoo saaray Dilkii Gudoomiyaha Hodan oo si weyn loo dhaliilay

Cabdi Cade

Deni oo Magacaabay Wasiir ku-xigeenada & Wasiiru dowleyaasha cusub ee Puntland

Caydiid Ali

Sheekh Caan ah oo diiday in Gabar ku mehriyo 100-garaam oo Dahab kana hadlay Sababta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---