Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Caan ah oo diiday in Gabar ku mehriyo 100-garaam oo Dahab kana hadlay Sababta

Magaalada Wajeer ee gobolka waqooyi bari dalka Kenya waxaa Axadii lasoo dhaafay ka dhacday arrin hadal heyn badan dhalisay, kaddib markii Sheekh caan ka ah magaaladaasi uu diiday in uu mehriyo gabar ka dhigatay maherkeeda 100-garaam oo dahab ah.

Xaflada maherka oo meel wannaagsan maraya ayna soo idlaadeyn hadaladii ehelada munaasabadda joogay lana diyaariyay raashinkii la cuni lahaa ayaa mar qura waxaa meesha ka dhacday arrin aan la fileyn oo jawigii xaflada bedeshay.

Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Xuseen oo loo wacay in uu isku mehriyo lamaanaha xafladooda loo joogay ayaa diiday in uu gabadha mehriyo, kaddib markii aabaha gabadha dhalay u sheegay in maherka gabadhiisa tahay 100-garaam oo dahab ah.

“Gabadha aabbaheed ayaa isoo wacay iina sheegay igana codsaday inaan gabadhiisa mehriyo, balse markii uu igu yiri meherkeeda waa 100g oo dahab ah ogow, ayaan diiday,” ayuu yiri Sheekh Cabdiraxmaan

Markii Sheekh Cabdiraxmaan diiday in uu mehriyo gabadha xafladeeda arooska loo fadhiyay ayaa magaalada laga raadiyay wadaad kale oo gabadha mehraya, hasa ahaatee waa diideen wadaadadii kale ee magaalada ilaa markii dambe mehriyo qaadiga maxkamadda Wajeer.

Waxa uu sheegay Sheekh Cabdiraxmaan in guurka oo la qaaliyeeyo maherkana ragga lagu badiyo ay ka dhallan karaan fasahaad iyo in ragga guurka ka daahaan, waxa uuna ku baaqay in laga shaqeeyo sidii guurka loo yareyn lahaa qarashka ku baxaya.

Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in horey 100-gram oo dahab ah ugu mehriyay gabar kale oo ka weyn midda uu hadda diiday in uu mehriyo, waxa uuna xusay in maherka hore u diiday waayay sababo la xariiray wiilka iyo gabadha oo sannado badan la isku diidanaa.

“Waxaa jirtay dhacdo tan ka horreysay, gabadha iyada ka weyn ayaan mehriyay. Ma dooneyn inaan boqol garaan oo dahab ah ku mehriyo, laakiin si kale oo aan sameeyo ma jirin .Markii gaari laygu qaaday oo aan xafladda tagay oo aan nikaaxi rabo, aabbaheed ayaa yeeriyay meherka waana 100 garaam oo dahab ah. Dadkii dhan ayaa yaabay, aabbaheedna wuu ku adkeystay, anoo is leh maka istaagtaa mise waad mehrisaa, wiilka ayaa iga codsaday in maaddaama gabadha shan sano loo diiddanaa aan ku mehriyo Sheekhow meel laga noqdo lama joogo ee igu mehri, ayuu igu yiri,” ayuu sheekhu sheegay.

Maherkan uu diiday Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhalisday hadal heyn badan , waxaana dadka qaar taageereen goáanka Sheekh , halka dadka qaarna tilmaameen in Sheekha uusan xaq u laheyn in uu doodo maherka maadaama lamaanaha ku heshiiyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Abiy Ahmed oo markii ugu horeysay la kulmay masuuliyiinta TPLF (Sawirro)

Caydiid Ali

Sargaal loo heestay dilka Madaxweyne Sheikh Mujibur Rahman oo la dal dalay

Cabdi Cade

Daawo:Hadal haynta Ugu badan oo noqotay Weerarkii Xasan Shiikh ku Qaaday Farmaajo shaaciyayne….

Cabdi Cade