Daawo Sawirada: Masuuliyiin Turki ah oo la geeyay Deegaanka Goobweyn

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ay wehliyaan masuuliyiin ka socota Dowlada Turkiga ayaa booqday Deegaanka Goobweyn ee kuyaala duleedka magaalada Kismaayo.

Masuuliyiinta dowlada Turkiga ka socda ee booqday deegaanka Goobweyn waxaa kamid ahaa Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bakar, Xog-hayaha Guud ee Dawladaha Hoose ee dalka Turkiga Mudane Hayrettin Gungor iyo Masuliyiin kale.

Wafdigan Turkiga ka socday ee booqday deegaanka Goobweyn ayaa ujeedka socdaalkooda lagu sheegay qimeynta deegaanka Goobweyn iyo suurto galnimaxda in maalgashi lagu sameeyo deegaankaasi.

Kismaayo waxaa ka sugan Masuuliyiin ka socota dowlada Turkiga oo kulamo la qaatay Madaxda maamulka Jubbaland, waxa ayna labada dhinac kawada hadleyn sidii Turkiga maalgashi ugu sameyn lahaa magaalada Kismaayo oo ah magaalo istaraatiiji ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -