Yaa Xogta dhinaca amaanka loo geeyaa ma kii Wax dilayay mise kii la dilayay ?

Saacado yar uun kadib qaraxyadii Mataanaha ahaa ee maqribnimadii Jimacaha ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaa Idaacdda Shabbeele la hadlay Afhayeenka Wasaaradda Aminiga gudaha Mr. Cabdicasiis Xildhibaan, waxa uuna yiri. “Waxaan garan la’ahay sababta ay shacabku ula shaqeyn la’yihiin laamaha Amniga si wax looga qabto dhibatooyinka jira?

Waa su’aal mar walba  loo baahan yahay, waxaan qalabka u qaatay sidii aan shacabka Muqdisho  uga heli lahaa jawaabta su’aasha la weydiiyey.. nin ka mid ahaa ciidamadii hore ayaa noqday qofkii ugu horeeyey ee aan weydiiyey su’aasha, waxa uu yiri. “Ciidamada Aminga oo uu sheegayo waa kuwa Afka duuban sow maahan?. Uma jawaabin, waxa uu yiri mar kale. Ilaaheybaa I leh, anigu nin af duuban mana af aqaan waxna ku darsan mayo”.  Nin  kale oo hadalka maqlayey  ayaa yiri. “Yaan xog u geeyaa”? Waxa uu sii raaciyey “anigu maba garanayo cid aan xog u geeyo”..

“Ma nimanka aanan u dhowaan Karin ee xabadu ka horeyso ayaan xog u geeyaa, waa habeenkii xalay ahaa oo tegey” mid kale sidaa ayaa yiri. Waxa uuna sii daba dhigay. “Sababtoo ah Haddii aan xog geeyo anigaanba lafaheyga la baxsan doonin” Waxaan iri oo waayo? Waxa uu yiri.  “Anigu waan Qaraabtaa, kuma jiri karo maalin walba sii soco iyo soo soco”.waxa uu hadalkiisii ku soo gebagebeeyey. “Waaba balaayo lugahaaga ku raadso war orod oo iga tag”..

Waxaan tegey goob kale, Nin oday ahaa mar hore qurbaha ka yimid sida uu ii sheegay ayaan su’aashii weydiiyey., waxa uuna yiri. “Hadii aan su’aasha abaaro jawaabtu waxa weeye su’aal kale oo ah, yaa damaanad qaadaya amaanka shacabka haddii ay xog la wadaagaan laamaha amniga ee la sheegay”?

Anigoo socodkeygii sii wata ayaan ku soo baxay Islaan mehrad ganacsi oo yar heysata waxaan hor dhigay su’aashii, waxa ayna tiri. “Markaan arko caddaalad shaqeyneysa anigu diyaar baan u ahay in aan xog gudbiyo oo aan la shaqeeyo ciidamada Amniga”. Waxay sii raacisay. “Inta cadaalad laga helayo waan aamusnaanayaa”.

Waxaan tegey goob kale oo lagu shaaho, waxaan la kulmay nin ii sheegay inuu ka mid yahay dalaaleyda Muqdisho isagoo ka jawaabaya su’aashii Afhayeenka oo aan weydiiyey waxa uu yiri. “Yaa warka loo geynayaa? Ma kii wax dilayey? Mise kii la dilayey? Waa uu sii hadlay oo waxa uu yiri. “Anigu waaba kala garan la’ahay”..

Qiyaastii lixdan jir ka mid ah reer magaalkii hore  oo Magaalada ku wareeray ayaan ku soo gebagebeeyey weydiinta su’aasha, waxa uuna yiri. “ Afhayeenka su’ashiisa waxaa ka horeysa su’aasheyda oo ah, “Nimanka dareeska ciidanka wata horta mala yaqaanaa oo ma tirsan yihiin”?. Waxa uu intaa ku daray. “Ceymis maku jiraan ciidamada uu garan la’yahay sababta loola shaqeyn waayey?.marka intaas la helo jawaabtooda ayey iman kartaa su’aasha Afhayeenka oo ay mudan tahay in la isweydiiyo.

WQ. Cabdinaasir Xersi Iidle.

Mail. naasirx1@gmail.com

Tel. 00252615503978

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -