Fadeexad ka dhalatay Darbiga dowlada Kenya ka dhiseyso Xadka Soomaaliya !!

Waxaa soo baxaya fadeexad maaliyadeed oo ka dhalatay darbiga ay dowlada Kenya ka dhiseyso xadka Soomaaliya, darbigan ayeyna Kenya ugu tala gashay in lagu yareeyo weerarada Al Shabaab ka fuliyaan gudaha Kenya.

Dowlada Kenya ayaa horey u shaacisay in darbi iyo silig ka dhiseyso 700km  oo kamid ah xadka ay Soomaaliya la wadaagto, waxa ayna Kenya sheegtay in darbigan difaac uga dhigeyso dalkeeda.

Waxaa soo baxaya fadeexad maaliyadeed oo ka dhalatay dhismaha darbigan, waxaana Baarlamaanka Kenya su’aalo ka keeneen lacag aad u badan oo lagu qarash gareeyay qeybo yar oo dhismaha darbigaasi kamid .

Wargeyska The Standard ayaa qoray in Baarlamaanka Kenya hakiyay in dhaqaalo dheeraad ah lagu bixiyo dhismaha darbiga laga dhisayo xadka Soomaaliya, waxa uuna Baarlamaanka codsaday in la cadeeyo qaabka malaayiin lacag ah ugu baxday 10-km oo darbiga kamid ah.

Warbixin la horgeeyay Baarlamaanka Kenya ayaa lagu sheegay in lacag dhan Sh3.3 bilyan oo shilinka Kenya ah una dhiganta ku dhawaad 35 milyan oo doolar  lagu dhisay 10km oo kamid ah darbiga xadka laga dhisayo.

Marka qiimeyn lagu sameeyay ayaa lacagta ku baxday  1-KM oo darbiga kamid ah waxaa ku baxday lacag gaareysa 3-Milyan oo Dollar taas oo dad badan layaab iyo qaadan waa ku noqotay.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Kenya ee laga soo doorto gobolka Waqooyi bari dalka Kenya ayaa kasoo horjeeda dhismaha darbiga ay dowlada Kenya ka dhiseyso xadka Soomaaliya.

Fadeexada ka dhalatay mashruuca dhismaha darbiga xadka Soomaaliya iyo Kenya ayaa noqotay mid si weyn looga hadal hayo dalka Kenya, waxaana laga dalbaday dowlada gaar ahaan saraakiisha Milatariga in la cadeeyo sida ay ku baxday lacagta Malaayiinka dollar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -