Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xiliga uu furmayo Kalfadhiga 4-aad ee Golaha shacabka oo la shaaciyey (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliso Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS.

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo ajandihiisu ahaa ansixinta iyo mudeynta furitaanka kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka labadiisa aqal, iyagoo ay goob joog ahaayeen xubnaha guddiga.

Waxaa ugu horreyn warbixin ka jeediyay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, isagoona mid mid u dul istaagay safaradii uu ku tagay Talyaaniga iyo Mareykanka, iyo safaro gaagaaban oo uu ku tagay qeybo ka mid ah dalka gudihiisa.

Fadhiga maanta ayaa ku soo gabagaboobay in kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu si rasmi ah u furmo Sabti 25-November-2023-ka.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Imaaraadka oo Agabkii ka yaalay Muqdisho ku raranaya Markab ku xiran Dekadda (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Feysal Cali Waraabe oo shaaciyay in Somaliland qarka u saaran tahay in dagaal ka dhaco

Cabdi Cade

Immisa jeer ayey 15 sano gudahood Gaza ku dagaalameen Xamaas iyo Israel?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---