Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax Caawa ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa daqiiqado kahor qarax laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho uu ka dhacay agagaarka Isgooska Bakaaraha  , waxaana qaraxan lasoo sheegayaa in uu yahay miino wadada dhinaceeda lagu aasay.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qaraxa miino lagu hoos qariyay goob qashin ah,waxaana wararka aan helnay sheegayaan in qaraxan uusan ka dhalan wax khasaaro ah.

Waxaa goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya kuwaa oo baaritaano wada, lamana soo sheegin cid ay ciidamada amaanka usoo qabteen qaraxan.

Qaraxyada miino ee lagu aaso hareeraha wadooyinka ayaa maalmahan kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan caawa uu imaanaya xili xalay iyo saakay labo qarax oo gaari hoosta looga xiray uu ka dhacay Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynihii hore ee Galmudug oo si kulul uga jawaabay eedeyn kaga timid C/wali Gaas

Caydiid Ali

Guddiga Doorashada lagu Muransan yahay oo War cusub soo saaray (Akhriso)

Cabdi Cade

Nin Soomaali ah oo dil argagax leh ka geystay Magaalo ku taalla Jarmalka (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---