Akhriso Go’aano cusub oo qaarkood adag yihiin oo soo saartay Dowladda Soomaaliya

Guddiga Qaran ee ka-hortaga lacag dhaqida iyo la-dagaalanka maal-gelinta argagixisada ayaa soo saaray go’aano cusub oo ku socda shirkadaha isgaarsiinta, kuwa xawaaladaha , sariflayasaha iyo sidoo kale shacabka Soomaaliyeed.

Qoraal kasoo baxay guddigan ayaa shacabka Soomaaliyeed loogu jeediyay in ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo caawin karta kooxaha argagaxisada ah, gaar ahaan lacag dhaqida iyo sidoo kale maalgelinta kooxahan.

Guddiga ayaa sidoo kale faray shirkadaha isgaarsiinta dalka ka jira in ay diiwaangeliyaan oo sawirro iyo faro ka qaadaan macaamiisha cusub ee qaadaneysa simcardkooda, halka kuwii horey u qaatay dib loogu diiwaangeliyo muddo 90-cisho ah.

Halkan ka akhriso go’aannada kasoo baxay guddigan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -