Mareykanka oo War kasoo saaray Weerar ay ka fuliyeen Deegaanka Huleey

War kasoo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa lagu faah faahiyay weerar dhinaca cirka ah oo diyaaradaha dagaalka dalka Mareykanka ka fuliyeen deegaanka Huleey oo katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Mareykanka ayaa sheegay duqeyntan oo dhacday 12-kii bishan in ay ku dileen labo dagaalyahan oo katiran ururka Al Shabaab, waxaana qoraalka Mareykanka lagu sheegay in duqeyntaasi aysan khasaaro kasoo gaarin dad shacab ah.

Warka kasoo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ayaa lagu sheegay in weerada ay ka taageerayaan ciidanka Soomaaliya uu yahay mid lagu wiiqayo awooda dagaalyahanada Al Shabaab.

Ciidamada Mareykanka oo taageeraya ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ayaa kordhiyay duqeymaha dhinaca cirka ah iyo weerarada tooska ah ay ka fuliyaan deegaanada ay Al Shabaab ka joogaan qaar kamid ah gobolada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -