Diyaarad ay leedahay Shirkada Diyaaradaha Ethiopian Airlines oo bur burtay

Diyaarad ay leedahay shirkada Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines oo u kusii jeeday magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa la sheegay in ay bur burtay saakay oo axad ah.

Afhayeen u hadlay shirkada Ethiopian Airlines ayaa Wakaalada Wararka ee reuters u xaqiijiyay bur burka Diyaarada oo ka duushay magaalada Adis Ababa kuna sii jeeday magaalada Nairobi.

Diyaarada bur burtay waxaa la socday 149-ruux oo rakaab ahaa iyo sidoo kale 8-shaqaalaha diyaarada, waxaana la sheegay in diyaarada bur burtay waxyar kadib markii ay Adis Ababa ka duushay.

Warbaahinta Itoobiya ayaa ku waramay in diyaarada oo nuuceedu ahaa Boeing 737-800 MAX ku bur burtay Deegaanka Bishoftu oo 62-km u jirta magaalada Adis Ababa , waxaana goobtaasi gaaray gurmar xoogan.

Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa xaqiijiyay bur burka diyaarada Ethiopian Airlines , walina lama oga khasaaraha ka dhashay diyaaradan ku bur burtay duleedka magaalada Adis Ababa

 

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -