Wararkii Ugu Dambeeyay Diyaaradii ku bur burtay Duleedka Adis Ababa

Diyaarad nuuca rakaabka qaada oo ay laheyd shirkada diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa maanta ku bur burtay duleedka magaalada Adis Ababa daqiiqado yar un kadib markii ay ka duushay garoonka Caalamiga ee Bole.

Diyaaradan oo nuuceedu ahaa Boeing 737 ayaa ka duushay magaalada Adis Ababa waxa ay kusii jeeday magaalada Nairobi, waxa ayna diyaarada bur burtay daqiiqado yar kadib markii ay ka duushay garoonka Diyaaradaha ee Bole International.

Waxaa socda baadi goob xoogan oo lagu raadinayo hadii ay jiraan dad ka bad baaday shilkan diyaaradeed, waxaana goobta diyaaradu ku dhacday oo ah deegaanka Bishoftu oo 62-km u jirta magaalada Adis Ababa gaaray koxaha gurmadka deg dega.

Diyaarada waxaa saarnaa 149-qof  oo rakaab ahaa iyo sidoo kale 8-shaqaalaha diyaarada, waxaana laga cabsi qabaa in ay dhinteen dhamaad dadkii saarnaa diyaaradan ku bur burtay duleedka Adis Ababa.

Qoraal laga soo saaray xafiiska Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa tacsi loogu diray dadkii eheladooda ku waayay diyaarada bur burtay, waxaana Ra’isul Wasaaraha sheegay in murugada la qeybsanayo dadka ehelkooda ku waayay shilkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -