Shiikh Shariif & Xasan Shiikh oo hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Somalia (Sawirro)

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sh. Shariif Shiikh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gurigiisa ku booqday Madaxweynihi hore ee dalka Cali Mahdi Maxamed.

Booqashadan oo aheyd salaan ayey sadexda Madaxweyne kaga sheekeysteen xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka sida ay sheegayaan warar ku dhow dhow, mana jirto faahfaahin intaas ka badan oo laga bixiyey.

“Waxaan aniga iyo walaalkey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aan booqasho ugu tagnay Madaxweynihii KMG ee ugu horeeyey dalka kadib burburkii dalka ka dhacay 1991 walaalkeen Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed, soo dhaweyn iyo ismarxabeyn kadib waxaan isla soo qaadnay xaaladda guud ee dalka, marxaladihii adkaa ee lasoo maray iyo halka hadda lagu socdo oo xaqiiqdii mas’uuliyad ay naga saaran tahay toosinta iyo la socodka haykalka dowladeed ee dalkeenna” ayuu yiri Shiikh Shariif oo baraha bulshada soo dhigay qoraal kooban oo uu kaga hadlay kulankan.

Cali Mahdi Maxamed oo ka baxay siyaasadda haatana ah ganacsade ayaa Somalia ka soo noqday Madaxweyne 1991kii markii ay burburtay dowladii Kacaanka oo jabhado hubeysan ay dagaal kaga saareen magaalada Muqdisho inkastoo dowladiisa aysan waqti badan sii jirin markii ay la la kulantay dagaalo sokeeye oo dhiig badan uu ku daatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -