Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni: “Haween Bastoolado dad ku handadaya ayaa lagu arkay Boosaaso”

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa sheegay inay jiraan dumar badan oo ka tirsan kooxaha loogu yeero argagixisada.

Madaxweyne Deni ayaa hadalkan ka sheegay munaasabada xuska maalinta haweenka dunida ee 8-da Maarso, isagoo intaas ku daray in mudooyinkii ugu dambeeyay magaalada Boosaaso lagu arkay dumar hubeysan oo ku jira kooxahan kuwaasoo hanjabaad u jeedinaya bulshada taasoo uu sheegay inay tahay halis hor leh.

“Argagaxisada dhibka nagu haysa rag kaliya maaha dumar bastoolada sitana waa la sheegayay oo dadka dhibay, magaalada Boosaaso hada waxaa la yiri dumarkaa u badan oo aad ugu hanjabaaya dadka marka cilad horlaa soo baxday oo u baahan in wax laga qabto” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Waxa uu ugu baaqay haweenku inaysan ku mashquulin oo kaliya raadinta xilalka siyaasada balse ay ku biiraan ciidamada Booliiska si ay uga qeyb qaataan ilaalinta nabadgelyada.

“Gabdhuhu waxaan rajeynayaa inay Booliiska soo galaan kana qeyb ka qaataan nabadgelyada oo aanay kaliya jagooyinka siyaasadeed raadine waxaa la rabaa in qeybaha dowlada oo dhan ay ka shaqeeyaan” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Isgaarsiinta Dhuusamareeb oo la jaray & Warar kala duwan oo ka soo baxaya

Caydiid Ali

Xildhibaannada labada Aqal oo ansixiyay Xeer muhiim u ah doorasho qof iyo cod ah

Cabdi Cade

Dab lagu dhamaaday oo qabsaday Suuq ku yaalla Magaalada Davao (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---