Allbanaadir.com
NEWS

Shirkii Golaha wada tashiga Qaran oo laga soo saaray War murtiyeed ka kooban 7 qodob (Akhriso)

Shirkii golaha wada tashiga Qaran oo ka kooban RW Rooble, madaxda dowlad goboleedyada iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa lagu soo gebagebeeyey Muqdisho.

Qaxaa shirka laga soo soo saaray War murtiyeed ka kooban 7 qodob, iyo habraacyo lagu maamulayo doorashooyinka.

Golaha ayaa isla qaatay in ergooyinka doorashada ee dooranaya xildhibaanada golaha shacabka ay soo xulaan duubabka, nabadoonada ka diiwaan gashan xukuumadda iyo bulshada rayidka, taas oo ay hubinayaan guddiga doorashada heer dowlad ee heer federal.

Habraacyada ay ku heshiiyeen Golaha Wadatashiga Qaranka waxaa ka mid ah

1-Habraaca Dhiirigalinta Daahfurnaanta Doorashada

2-Habraaca Maamulka Maaliyadda Doorashada

3- Habraaca Xulista Ergada Doorashada

4-Habraaca Amniga Doorashada

5-Habraaca ilaalinta Qoondada Haweenka

6-Habraaca doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Somaliland

7-Hawlaha Lataliyayaasha Farsamo ee Golaha Wadatashiga Qaran

HOOS A KA AKHRISO WAR MURTIYEEDKA IYO HABRAACYADA LA SOO SAARAY:-

SAWIRRADA SAXIIXA MADAXDA SHIRKA WADATASHIGA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dekadda Muqdisho oo lagu qabtay Konteenaro ay Khamri ka buuxeen (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Donald Trump oo hanjabaad aan horey loo arag u jeediyay Xamaas

Cabdi Cade

(Sawirro) Maamulka gobolka Banaadir oo ka farxiyey agoonta ciidanka Booliska

Caydiid Ali
Taboola Ads ---