Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qaar kamid ah Wadooyinka Muqdisho oo saakay xiran iyo sababta keentay

Waxaa saakay xiran qaar badan oo kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, waxaana wadooyinkaasi la dhigay ciidamada amaanka oo gaadiidka shacabka u diidaya in ay maraan.

Laamiga Maka Al Mukarama iyo qeybo kamid ah laamiga Wadnaha ayaa xiran, waxaana gaadiidka dadweynaha iyo kuwa ay dadka caadiga ah wataan loo diidayaa in ay u gudbaan wadooyinka xiran.

Wadooyinka ayaa sababaha loo xiray lagu sheegay Meydka Wasiirkii Dastuurka Xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo saakay la keenayo magaalada Muqdisho oo aas qaran loogu sameenayo.

Madaxda ugu sareysa dalka ayaa la filayaa in ay ka qeyb galaan aaska iyo janaasada Wasiirkii hore ee Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo Jimcihii ku geeriyooday dalka Imaraaadka Carabta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney Raisul wasaare ka ah dowlad ka tirsan caalamka oo uur yeelatay

Caydiid Ali

Qoraalada been abuurka iyo Khiyaanada oo kusoo badana Baraha Bulshada!!.

admin

Gaadiid qaraxyo kasoo buuxiyeen Al Shabaab oo la burburiyay iyo NISA oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---