Wararkii Ugu Dambeeyay Qarax caawa ka dhacay Muqdisho iyo Dad loo qabtay

Waxaa caawa abaaro 11-kii habeenimo xiliga Muqdisho qarax si xoogan looga maqlay qeybo badan oo magaalada kamid ah ka dhax dhacay guri kuyaala Degmada Howl Wadaag ee gobolka Banaadir.

Sida aan Wararka ku helnay qaraxa ayaa ka dhax dhacay guri kuyaala agagaarka Hotelka Peace oo ku dhaw Laamiga Warshadaha, waxaana qaraxa la sheegay in uu ahaa mid guriga lagu dhax farsameenayay.

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa si deg deg ah u gaaray guriga uu qaraxu ka dhacay, waxaana ciidamada halkaasi ka xireen shan nin oo labo kamid ah la sheegay in ay degnaayeen guriga uu qaraxa ka dhacay .

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxan caawa ka dhacay guriga kuyaala degmada Howlwadaag, waxaana la sheegay in guriga uu qaraxu ka dhacay uu soo gaaray bur bur xoogan.

Qaraxyada miino iyo kuwa loo adeegsado baabuurta waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyo ayaa mararka qaar lagu diyaariyaa guryo kuyaala magaalada Muqdisho, waxaana horey sidan oo kale qaraxyo uga dhaceen guryo lagu diyaarinayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -