Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo laga helayo qarax iyo weerar toos ah oo lagu qaaday Hotelka Elite ee xeebta Liido oo ka tirsan degmada C/casiis ee magaalada Muqdsho.
Weerarka ayaa ku bilowday Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo lala beegsaday qeybta hore ee Hotelka, kadibna waxaa la maqlay rasaas, iyadoo dable hubeysan oo ka tirsan Alshabaab ay gudaha u galeen Hotelka, sida laga soo xigtay dadweyn ku sugan goobta.
Ilaalada Hotelka ayaa dagaal la galay dableyda weerartay hotelka, waxaana weli socda rasaasta ay is-weydaarsanayaan labada dhinac.
“Koox hubeysan oo ka tirsan Xagjirka Alshabaab ayaa weerar loo adeegsaday qarax iyo dabley hubeysan ku qaaday Hotel Elite oo ku yaalla xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho, rasaas ayaa hadda ka dhaceysa gudaha Hotel-ka…” ayuu yiri afhayeenka Wsaaradda Warfaafinta oo qoraal soo dhigay baraha bulshada.
Waxaa cakiran xaalada goobtaas iyadoo dad badan ay ku go’doomeen gudaha hotelka, waxaana gaaray ciidamo badan oo kuwa amniga ah oo wada howlgal samata bixin ah welina ma cadda khasaaraha weerarkan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com