Xukun Dil ah oo maanta lagu riday ninkii dilay Korneel Maxamuud Cali Xade

Maxkamadda derajada koobaad ee gobolka Sool ayaa maanta xukun dil ah ku riday  Mowliid Maxamed Jaamac oo lagu helay in magaalada Laascaanood ku dilay 24-kii bishii hore ee Maarso Korneel Maxamuud Cali Xade  .

Ninka dilka geestay ayaana la sheegay in uu isku dayay in uu ka baxsado laamaha amniga iyo cadaaladda, waxaana ugu dambeyn soo qabtay oo maxkamad horgeeyay ciidamada ammaanka ee maamulka Khaatumo SSC.

Guddoomiyaha maxkamadda derajada koobaad ee gobolka Sool ayaana ku dhawaaqay in xukun dil ah ku rideen Mowliid Maxamed Jaamac oo ahaa qisaata marxuumkii uu horey u dilay ee Korneel Maxamuud Cali Xade.

Maxkamadda ayaa sidoo kale lix bilood oo xabsi ah ku riday nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Cawil Cabdi Maxamed , kaa oo lagu helay in uu gacankudhiiglaha kala shaqeenayay sidii uu u baxsan lahaa.

Xukunkan dilka ah ee maanta lagu riday ninka dilka ka geestay magaalada Laascaanood waxaa si isku mid ah usoo dhaweeyay dhinacyada ay kasoo kala jeedaan ninka eedeysanaha ah ee dilka geestay iyo dhinaca marxuumka ee la dilay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -