Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax xoogan oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Waxaa daqiiqado kahor qarax aad u xoogan oo inta badan laga maqlay magaalada Muqdisho uu ka dhacay guri kuyaala Degmada Howl Wadaag gaar ahaan agagaarka Hotelka Peace.

Ciidamada booliiska ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay , waxaa sidoo kale goobtaasi gaaray gaadiidka gurmadka deg dega kuwaa oo goobta ka qaadaya dadka ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxan.

Lama oga ilaa hada qaraxan in uu ahaa mid guriga uu ka dhacay lagu diyaarinayay iyo in kale, ciidamada booliiska ayaana wada baaritaano ay ku ogaanayaan qaraxan dhacay iyo waxa sababay.

Waxaan sidoo kale wali la ogeyn khasaaraha ka dhashay qaraxan oo dhacay daqiiqado kahor, waxaana adag in la ogaado wararka ku saabsan qaraxan maadaama xili habeen ah uu dhacay ayna hurdaan dadka badi.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Bam lagu weeraray hoyga gudoomiyaha degmo ka tirsan Muqdisho

Caydiid Ali

Mareykanka oo ka walaacsan qorshe Halistiisa wata oo ay damacsan tahay Russia

Cabdi Cade

Rabshadihii Minneapolis oo sii xoogeystay & Xaalada oo faraha ka baxday (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---