Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dhalinyaro Soomaali ah oo siyaabo kala duwan loogu dilay London (Daawo Sawirro)

Ayuub oo ah wiil 16 sano jir ah oo ka soo jeeda Soomaaliya ayay kooxo ku hubaysan midiyo ku dileen Magaalada London.

Wiilkaan ayay horay dhawr mar dhaawaceen kooxaha Gangs ka ah, iyadoo la sheegay in kooxaha hubaysani ay fariimo u soo direen ka hor inta aanay dilin iyagoo ku wargalinaya in isaga ama hooyadiis ay mid dilayaan hadii aanu u imaanin.

“Wiilka ayaa ka codsaday hooyadiis inay Ticket u jarto si uu kooxahaas uga baxsado, hooyadu way aqbashay balse kooxihii hubaysnaa ayaa u sheegay inay joogaan guriga hortiisa, waxaana uu go’aansaday inuu raaco saacado kadib ayaana loo sheegay hooyadiis Siraad in wiilkeeda tooreey lagu dilay” ayuu yiri mid ka mid ah ehelada wiilkan shalay la dilay.

Sidoo kale Booliska London ayaa xaqiijiyey inuu dhaawac Toorey u geeriyooday wiil kale kadib markii maalintii Axadii kooxo Gangs ahi ay sidaan oo kale ku weeraraeen degmada Fulham ee Koonfurta galbeed ee Magaalada london, Lamana oga sababta rasmiga ah ee dilka ka danbeysa.

Dhalinyarada Soomaalida ee ku lug yeesha arrimaha daroogada iyo gangsternimada ayaa mudooyinkan dilal loogu geysanayey qaar ka mid ah dalalka ay Soomaalidu u haajirtay ee Yurub ee Maraykanka.

AYUUB OO AH WIILKA SHALAY LA DILAY

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Mareykanka oo ergay cusub u soo magacowday geeska Afrika

Caydiid Ali

Haweeney Hotel ku dhax dishay Taliye katirsan Hayádda Nabad Sugida Soomaaliya

Cabdi Cade

Itoobiya oo soo bandhigtay Magacyada iyo Sawirada xubno katirsan Al Shabaab iyo Daacish oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---