Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Mareykanka oo ergay cusub u soo magacowday geeska Afrika

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa Ergayga Gaarka ah ee Mareykanka ee Geeska Africa u magacaabay Mike Hammer.

Ergayga cusub ayaa bedeli doona Ergaygii hore David Satterfield oo is-casilay bishii April ee sanadkan.

“Waxaan ku dhawaaqayaa in Danjire Mike Hammer uu bedeli doono Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika. Waxaan uga mahadcelinayaa Danjire Satterfield waayo-aragnimada iyo go’aan qaadashada uu u keenay xilka, waxaanan rajaynayaa dadaalka iyo aragtida uu danjire Hammer hadda ku bixin doono dadaallada Geeska Afrika” ayuu yiri Blinken.

Waxa uu Blinken sheegay in magacaabista danjire Hammer ay hoosta ka xariiqday sida ay Mareykanka uga go’an tahay dadaallada diblumaasiyadeed ee gobolka, wuxuuna sheegay in Mareykanku sida ugu dhakhsaha badan u taageerayo geeddi-socod siyaasadeed oo loo dhan yahay oo ku wajahan nabadda iyo amniga guud ee geeska afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=OSMFMh5I_Ak

Related posts

Madaxweyne Biixi iyo James Swan oo arimo muhiim ah kawada hadlay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Sida ay Israel ku heshay xogta ay ku dishay Fouad Shukr

Caydiid Ali

Askari ka tirsanaa Ciidanka Jubbaland oo Xukun dil ah lagu riday (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---