Wadaadada Yuhuuda Maraykanka oo taageero u muujiyey Ilhaan Cumar (Daawo Sawirro)

Koox Wadaaddo ah oo ka socday Yuhuudda deggan Mareykanka ayaa booqday Xafiiska Ilhaan Cumar ku leedahay aqalka Congresska Magaalada Washington.

Wadaaddadan ayaa waxay ka socdeen Mad-habka Orthodox ee ay heystaan Dadka ka soo jeeda Israel, kuwaasoo todobaadyadan weerar dhinaca afka ah ku hayay Ilhaan Cumar.

Rabbi Dovid Feldman oo ah Wadaadka u hadlay kooxda u tagtay Ilhaan Cumar ayaa sheegay in dadka ay isku qaldayaan waddaniyadda xagjirka ah iyo Diinta.

Waxaa uu sheegay in Ilhaan ay wax ka sheegtay waddaniyadda fogaatay ee Xukuumadda Israel balse aysan wax ka sheegin Diinta Dadka Yuhuudda ah.

Rabbi Dovid Feldman ayaa intaas ku daray inay taageero u muujinayaan Ilhaan Cumar sidaasna ugu tageen xafiiskeeda si meesha looga saaro waxa lagu sheegay isir naceybka la sheegay inay faafisay.

“Mareykanka waxaa uu ku dhisanyahay kala argti duwanaan, Hay’adda matasha Yuhuudda Mareykanka ee AIPAC wax waa laga sheegi karaa maaddaama aysan diinta Yuhuudda shaqo ku laheyn, haddii yuhuuda la dhaliilo macnaheedu ma noqon karo naceyb, waxaan cadeynayayaa in Ilhaan Omar aysan wax gef ah u geysan Yuhuuda” ayuu yiri Rabbi Dovid Feldman.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -