Qabanqaabo lagu soo dhoweynayo Raisul Wasaaraha Somalia oo ka socota Kismaayo

Maamulka Jubbaland ayaa xoojiyey amniga Magaalada Kismaayo oo maanta la filayo inuu gaaro Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu horkacayo.

Wafdi hordhac u ah safarka Ra’iisul Wasaaraha iyo qaar ka mid ah ilaalada gaarka ah ee Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ku sugan Kismaayo oo ay shalay gaareen.

Khayre ayaa Magaalada Kismaayo kulamo kula qaadan doona Madaxda ugu sareysa Maamulka Jubbaland oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Maamulkaas Axmed Madoobe.

Safarka uu Magaalada Kismaayo ku tagayo Khayre ayaa la sheegay iney qeyb ka yahay xalinta khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland oo in muddo ah soo jiitamayay.

Wixii warar ah ee ku soo kordha safarka raisul wasaaraha iyo sawiradaba kala soco boggan saacadaha soo socda insha allaah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -