Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Ciidamo Soomaali & Maraykan iskugu jiray oo Weeraray degaan ka tirsan Sh/dhexe

Xalay saqdii dhexe ayaa Ciidamada Kumaandoska Soomaaliya oo ay wehlinayeen kuwo Mareykan ah waxay weerar ku qaadeen Saldhig Al-Shabaab ku leeyihiin deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe.

Weerarkaas oo isugu jiray cir iyo dhul ayaa lagu qaaday Xarumo Al-Shaabab ku leeyihiin degaanka Gamboole ee gobolka Shabeellaha Dhexe sida ay sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabelle.

Duqeyn dhinaca cirka ah oo ay fulinayeen diyaarado dagaal ayaa barbar socday weerarkaas iyadoo mas’uuliyiin ka tirsan Hir-Shabeelle ay sheegeen in lagu dilay weerarkaas 8 ka tirsan xoogaga Al-shabaab oo ay ku jiraan saraakiil.

Ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya khasaaraha weerarkan balse xaalada degaanka Gamboole ayaa saaka kacsan, waxaana la sheegay in Al-Shabaab ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Amaanka oo qabtay nin saakay dil ka geestay Muqdisho iyo gaari uu la baxsaday

admin

Soomaali horleh oo qirtay ku lug lahaanshaha fadeexaddii Minnesota

Cabdi Cade

Dhaqtar caan ah oo caawa lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---