Meydka wiil uu dhalay amiirka Imaarada Shariqa oo laga helay London (Sawirro)

Meydka Maxamed Bin Sultaan Al-Qaasimi ayaa la sheegay in laga helay Suuliga Hoygiisa oo ku yaalla koonfurta Magaalada London.

Ninkan oo 39-jir ahaa waxaa dhalay amiirka Imaarada Shariqa ee dalka isu-taga imaaraadka carabta isagoo ahaa milkiilaha Rugta Naqshadeynta labiska ee (Kasimi Fashion).

Maydkiisa ayaa waxaa shalay laga  dhex helay Suuliga Qubeyska ee Dhismihii uu degganaa, iyadoo ay hareerahiisa daadsanaayeen cirbadaha la isku duro iyo Tay ama si xoogan ugu xirnaa  gacantiisa, waxayna boolisku sheegeen in jirkiisa laga helay daroogo xad dhaaf ah oo sida loo badinayo sababtay inuu geeriyooday.

Wargeyska The Sun ee ka soo baxa London ayaa qoray in Wiilkan uu habeenkaas ka yimid baar lagu tunto oo ku yaalla magaalada London, uuna halkaas ku gaaray xili dambe, isagoo isticmaalay khamri fara badan iyo daroogo xad dhaaf ah.

Dowlada Imaaraadka carabta ayaa hoos u dhigtay calanka dalkaas, iyadoo lagu dhawaaqay baroordiiq saddex cisho ah, waxaana la xaqiijiyey in wiilka hadda geeriyooday walaalkii ka yaraa uu 10 sano ka hor u geeriyooday arrimo la xiriira daroogo uu isticmaalay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -