Diblumaasi sare oo Mareykanka ah oo xukun adag lagu riday kaddib dambi culus oo galay

Maxkamad kutaalla dalka Mareykanka ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday diblumaasi sare oo u dhashay dalkaasi, kaddib markii lagu helay in sannado badan jaajuus u ahaa dal cadaawad kala dhaxeysay Mareykanka.

Victor Manuel Rocha oo 73-sanno jir ah ayaa qirtay in uu jaajuus u ahaa sannado badan dowladda shuuciga ah ee Cuba, waxa ayna ninkan maxkamadda ku xukuntay in uu xabsi ku jiro muddo 15-sanno ah.

Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka ayaa kiiska diblamaasigaasi hore ku tilmaantay, mid ka mid ah jaajuusnimadi ugu heerka-sarreysay uguna waqtiga dheereyd ee lagu sameeyo Dowladda Mareykanka.

Safiirkii hore ee dowladda Mareykanka u joogay dalka Bolivia ayaa si hoose ula shaqeenayay xuggo sirdoon oo xasaasi ahna siinayay dowladda Cuba muddo 40-sanno ah, waxa uuna ninkan maxkamad kahor qirtay qaar kamid ah dambiyada lagu soo eedeeyay.

Diblumaasigan Mareykanka ah ee xukunka adag lagu riday ayaa muddo sannado badan ah katirsanaa wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, waxaana ninkan lagu tilmaamay in uu ahaa ninkii ugu jaajuusnimada xumaa ee soo mara Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -