Trump oo soo saaray amar saameynaya ciidamada Maraykanka ee jooga Somalia

Madaxweyne Donald Trump ayaa saxiixay wareegtadan arbacadii shalay, waxaana ay meesha ka saareysaa wareegto madaxweyne oo uu horey u soo saaray madaxweynihii isaga ka horeeyay Barack Obama, sanadkii 2016kii.

Wareegtadaasi Obama ayaa qeyb ka aheyd dadaal la doonayay in howlgaladda ciidamada Mareykanka gaar ahaan duqeymaha ay fuliyaan Dayuuradaha Droneska ay noqdaan kuwo daah furan, gaa rhaaan goobaha colaadaha.

Trump ayaa wareegtadan laalay shalay sida uu shaaciyay Aqalka cad.

Wareegtada ayaa lagu yiri “shacigan uu saxiixay Obama ayaa ka doonaya ciidamadeena kuna qasbaya inay soo wariyaan qasaaraha ka dhasha duqeynta. Mana aha mid wax weyn soo kordhinaya ee waa mid ka jeedinaya xirfadlayaasheena dhinaca sirdoonka inay howshooda qabsadaan.”

Wareegtadan ayaa fareysay bahda sirdoonka Mareykanka inay soo bandhigaan sanad walba 1da bisha May inay soo gudbiyaan –warbixin aan la shaacin oo kooban oo ku aadan tirada weerada cirka ee la fuliyay, meelaha lala beegsaday iyo qasaaraha ka soo gaaray dadka rayidka ah.

Hase yeeshee saraakiil ka risan Aqlka Cad oo difaacayay sharciga lagu laalay wareegtadii Obama ayaa sheegay in Mareykanku ay ka go’antahay u hogaansamidda dhamaan sharciyada caalamiga ah ee colaadaha hubeysan, oo ay ku jirto ilaalinta in shacab ay waxyeelo ka soo gaarto, haddii ay dhacdana la qaato masuuliyadda.

Meelaha uu Mareykanka weerarada cirka ah uu ka geysto waxaa ka mid ah Soomaaliya, Yemen Afghanistan, xuduudda Pakistan, iyo dalal kale oo ku yaala Bariga Dhexe.

Intii uu xukunka hayey madaxweyne Trump ayaa Mareykanku uu fuliyay 2,243 weerar oo dhinaca cirka ah. Labaddii sanno ee ugu horeysay Madaxweyne Obamihii isaga ka horeeyayna waxay ciidamada Mareykanku fuliyeen 1,878 weerar oo xagga cirka sida lagu shaaciyay warbixin ay soo saartay Xarunta Dabogalka Saxaafadeed ee UK, oo ay soo xigteen wabaahinta mareykanka ee arrintan wax ka qoray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -