Gudoomiye Shariif Mukhtaar Jiis oo xalay gurigiisa lagu dhax dilay

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay kooxo biskoolado ku hubeesan dileen Guddoomiyihii Ururka Naafada Koonfur Galbeed.

Sida aan wararka ku helnay kooxaha hubeesan ayaa gurigiisa oo ku dhax yaala xero barakac ugu dhax galay kadibna ku dilay Gudoomiyaha Ururka Naafada Koonfur Galbeed  Shariif Mukhtaar Jiis.

Kooxihii fuliyay dilka ninkan baahiyaha gaarka ah qabay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana daqiiqado kadib guriga dilku ka dhacay gaaray ciidamada booliiska Koonfur Galbeed oo ku guul dareestay soo qabashada dableydii dilka geesatay.

Gudoomiyaha Ururka Naafada Koonfur Galbeed ee xalay la dilay ayaa horey loo sheegay in kooxo hubeesan dhaawaceen sanadkii 2018-kii balse kasoo bogsaday dhaawacaasi ugu dambeyna xalay gurigiia lagu dhax dilay.

Maamulka Koonfur Glabeed ayaana ka tacsiyadeeyay dilka xalay loo geestay Gudoomiyaha Ururka Naafada Koonfur Galbeed, maamulka ayaana sheegay in ay ka naxeen dilka Shariif lana sameyn doono baaritaano lagu baadi goobayo gacan ku dhiiglayaasha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -