Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya oo War kasoo saaray Heshiiska Farmaajo iyo Uhuru

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku guuleestay in uu kulansiiyo Madaxda Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, oo mudooyinkii lasoo dhaafay u dhaxeeyay xiisad diblumaasiyadeed .

Labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya Farmaajo iyo Uhuru ayaa saakay kulan uu goob joog ahaa Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ku yeeshay magaalada Nairobi, waxaana kulanka looga hadlay arimo badan oon saxaafada loo soo wada bandhigin.

Qoraal laga soo saaray Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in Madaxda dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo xiriirka labada dal sidoo kale ka shaqeeyaan nabada gobolka.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Itoobiya in  Madaxda Soomaaliya iyo Kenya ee kulmay ay qaadeen tallaabooyin lagu xalinayo arrimaha ka dhashay xiisada labada dal.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya oo sii xoojinaya saameynta uu ku leeyahay geeska Afrika ayaa ka shaqeeyay in ay kulmaan Madaxda Kenya iyo Soomaaliya, waxa uuna Abiy Madaxweyne Farmaajo ka dajiyay Nairobi si ay ula kulmaan Madaxweynaha Kenya.

 

Related posts

Kaniisad Yuhuudu ku leedahay dalka Maraykanka oo dad badan lagu laayey (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo: DF oo soo saartay War ka nixiyey Kenya & Wasiir Beyle oo wajahaya dacwad

Caydiid Ali

RW Khayre & Wasiirka A/dibaddda Norway oo ka wada hadlay xakameynta COVID-19

Caydiid Ali
Taboola Ads ---