Soomaali ku xiran Xabsiyo kuyaala Liibiya oo diiday in dalka lagu soo celiyo (Daawo Sawirada)

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran xabsiyo kuyaala dalka Liibiya ayaa kasoo horjeestay in dalka lagu soo celiyo, waxa ayna sheegeen dhalinyaradan in Soomaaliya wali ka jirto dhibaatadii ay uga soo carareen.

Dalka Liibiya waxaa ku sugan Wafddi ka socda Dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo danjiraha Soomaaliya ee Yurub Cali Siciid Fiqi, waxa ayna wafdigan booqdeen xabsiyo kuyaala dalka Liibiya.

Wafdiga dowlada Soomaaliya u dirtay dalka Liibiya ayaa booqday Xabsiga Khubz oo ku yaal meel 93 KM u jirta Caasimada Libya ee Tripoli, waxaana xabsigan ku xiran ku dhawaad 100-qof oo Soomaali ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho.

Maxaabiistan Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiga ayaa sheegay in dhibaatooyin xanuun badan la kulmeen intii ay Liibiya joogeen, waxa ayna tilmaameen in hortooda lagu dilay qaar kamid ah asxaabtooda sidoo kale kuwa kale tacadiyo kala duwan loo geestay.

Qaar badan oo kamid ah Dhalinyaradan ku xiran xabsoyada Liibiya oo la wareestay ayaa sheegay in aysan xiligan dooneyn in dib loogu celiyo Soomaaliya, waxa ayna xuseen in qarash badan kasoo baxay sidoo kale wali jirto dhibaatadii ay kasoo carareen.

Waxa ay sheegeen dhalinyaradan qaarkood in ay doonayaan in hamigooda ka dhabeeyaan ayna tagaan Qaarada Yurub ay u marayaan sidii ay ku gaari lahaayeen silac badan , waxa ayna sheegeen in qarash badan uga baxay in Magafaaysha laga soo daayo .

Dowlada Soomaaliya ayaa wada qorshe ay ku dooneyso in dalka dib loogu soo celiyo Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku silacsan dalka Liibiya, waxaana maalmo kahor Muqdisho lagu soo celiyay tiro yar oo kamid ahaa Soomaalidii ku dhibaateesneed Liibiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -