Madaxweyne Farmaajo oo Safar kale oo Dibadda ah u baxaya iyo xog ku aadan

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan mar kale safar kale oo dibadda ah u baxo, xili isbuucii hore waqtigiisa ku qaatay safaro dalka dibadiisa ah.

Ilo ku dhaw dhaw Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku waramaya in Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi la socda ay beri kusii jeedaan magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagayo magaalada Adis Ababa ayaa ah mid deg deg ah oo kusoo aaday xili xasaasi ah, waxaana la filayaa in Madaxweyne Farmaajo kulan gaar ah la qaato Ra’isul Wasaare Abiy Axmed.

Sida aan Wararka ku heleyno safarka Madaxweynaha Soomaaliya ku aadayo Itoobiya ayaa salka ku haya shir sadex geesood ah ay Asmara ku yeesheen Madaxda wadamada Kenya, Itoobiya iyo Eritrea, waxaana shirkan ka maqnaa Soomaaliya.

Dowlada Kenya oo xiligan xiisad kala dhaxeeyo Soomaaliya ayaa laga cabsi qabaa in saameyn ku yeelato isbaheysii horey u yeesheen Wadamada Soomaaliya , Itoobiya iyo Eritrea.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin safarka la filayo in Farmnaajo ku tago ADis Ababa iyo sidoo kale aragtida dowlada ee ku aadan in shirkii sadex gooseedka ahaa ee ka dhacay magaalada Asmara.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -