Haweeney Goordhaw lagu dilay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Askari la sheegay in uu kamid yahay ilaalada Hotelka Shaamo oo kuyaala agagaarka Isgooska Soobe ayaa goordhaw dilay haweeney Naafo ah oo ku sugneyd goob lacag lagu bixinayay.

Sida aan wararka ku helnay askariga ilaalada ka ahaa Hotelka Shamo ayaa rasaasta uu furay waxa ay haleeshay haweeney Naafo ah oo joogtay goob dad naafo ah iyo dad kale lacago loogu qeybinayay.

Goobta uu dilku ka dhacay ayaa mar qura lagu kala cararay, waxaana markii dambe goobtaasi soo gaaray oo meydka haweeneyda la dilay xarunta CID-da u qaaday ciidamo katirsan booliiska Muqdisho.

Ninkii ka dambeeyay dilka haweeneyda masaakiinta aheyd ayaa goobta isaga baxay, waxa ayna ciidamada booliiska wadaan baaritaano ninkaasi dilka geestay lagu soo qabanayo si cadaalada loo horgeeyo.

Askarta iyo raga kale ee ilaalada ka ah xarumaha dowlada,, xarumaha caafimaadka  goobaha ganacsi iyo Hoteelada ayaa mararka qaar dad shacab ah dil u geesta, waxaana dhawaan askari kamid ahaa ilaalada Isbitaalka Banaadir uu dil u geestay wiil dhalinyaro .

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -