Daawo Sawirada: Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho kula kulmay Günter Nooke

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaabbilay Ergeyga Gaarka ah ee Hoggaamiyaha Jarmalka u qaabbilsan Afrika Mudane Günter Nooke, isaga oo Madaxweynaha soo gaarsiiyey salaan iyo farriin uu uga sidey madaxda Dowladda Jarmalka.

Madaxweyne Farmaajo iyo Mudane Nooke ayaa kulankooda ku lafo-guray xiriirka labada dal iyo sidii Dowladda Jarmalku u xoojin lahayd taageerada ay u fidiso Soomaaliya, una dardargelin lahayd mashaariicda horumarineed ee dalka.

Dowlada Jarmalka ayaa  kamid ah dowladaha Yurub ee xiriirka dhaw la leh Soomaaliya, waxa a dowlada Jarmalka Soomaaliya ka taageertaa dhinaco kala duwan ay kamid tahay tabararka ciidanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -