Allbanaadir.com
NEWS

Askar Mareykan ah oo Dil iyo dhaawac loogu geestay Duleedka Kismaayo

Dagaalyahano katirsan al shabaab ayaa weerar ku dishay hal askari oo Maraykan ah, sidoo kale waxaa weerarkaasi ku dhaawacmay afar askari oo Maraykan ah kadib dagaalk xoogan oo ka dhacay Duleedka Kismaayo.

Weerarkaasi ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in lagu dilay ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya , kuwaa oo inta badan howlgalada kala qeyb qaata ciidamada Mareykanka.

Ciidanka Maraykanka ayaa waday hawlgal ay ku taageerayeen ciidmada Soomaaliya ee dagaalka kula jira kooxda al Shabaab, waxaana ciidanka huwanta ah lagu weeraray deegaanka Sanguuni ee duleedka Kismaayo.

Sarkaal ka tirsan milatariga Maraykanka ayaa xaqiijiyay dhimashada askariga Maraykanka ah iyo dhaawaca askarta , waxaana la filayaa in Wasaarada Difaacada Mareykanka war kasoo saarto khasaaraha dagaalkan kasoo gaaray.

Ciidamada Soomaaliya iyo askarta Maraykanka ah ee caawinayay ayaa ku gudjiray in ay dhufayso qotaan iyaga oo difaacooda xoojinayay xiliga ay al Shabaab la beegsadeen weerar kadis ah.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in al shabaab ay dhowr qarax la beegsadeen ciidamada Soomaalida iyo Maraykanka ee wada socday kadibna ay rasaas xoog badan ku fureen.

Goobjoogayaasha ayaa intaasi ku daray in diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ay ka qaaday goobta lagu dagaalamay dhaawacyada ciidanka Mareykanka iyo sidoo kale askariga laga dilay.

Bishii May ayaa hal askari oo Maraykan ah lagu dilay tuulada Daara Salaam ee Shabeelaha Hoose, Askraigaasi ayaa noqday kii ugu horeeyay ee ciidanka Maraykanka looga dilo Somaaliya tan iyo sanadkii 1993kii xiligaasi oo la soo riday diyaaradii ciidamada Maraykanka ee nooceedu ahaa Black Hawk.

Kooxda al shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay qaadayaan tan iyo bilawga bisha Ramadaan iyaga oo sheegtay weerro badan oo xiriir  ah oo ka dhacay gobolo kala duwan oo dowlada maamusho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’iisul Wasaare Rooble & wafdi uu horkacayo oo ku wajahan dalka Imaaraadka Carabta

Caydiid Ali

Ruushka oo hubeenaya ururka Xisbullaah iyo Israa’iil oo walaac lasoo darsay

Cabdi Cade

Askari dil u geestay Haweeney oo lagu qabtay magaalada Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---