Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

(Sawirro) Dibad-baxyo ka socda degmooyin ka tirsan Galmudug oo ay ku jirto Gaalkacyo

Dibad-baxyo lagu taageerayo doorashada Madaxweynaha cusub ee Galmudug ayaa ka socda maanta degaano ka tirsan gobolada dhexe ee Somalia oo hoos taga maamulkaas.

Banaanbaxa ugu weyn ayaa ka dhacaya Magaalada Cadaado halkaasoo ay iskugu soo baxeen qeybaha bulshada iyo waxgaradka magaalada oo taageero u muujiyey Madaxweyne Qoor-qoor iyo ku-xigeenkiisa, iyagoo watay boorar lagu sawiray madaxda Galmudug.

Dibed bax kale oo kan la mid ah ayaa la soo sheegayaa inuu ka socdo koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug halkaasoo uu fadhiyo Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo si weyn uga soo horjeeda doorashadii shalay ka dhacday Dhuusamareeb.

Degmooyin iyo degaano kale oo ka tirsan Galmudug ayaa la soo sheegayaa iney ka socdaan banaanbaxyo kuwan la mid ah oo lagu taageerayo Madaxweyne Qoor-qoor.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xamse Barre oo shirkii labaad la qaaatay gole uu dhowaan ku dhawaaqay (Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo:-Mucaraadka Farmaajo oo Nairobi ku sii qul qulaya & Xulushada Xildhibaanada oo qaylo dhaan laga keenay!!

admin

Taliyaha cusub ee Booliiska oo ka dhawaajiyay hadal farxad galinaya Shacabka Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---