Maxaa ka jira in Al-shabaabkii ugu badnaa ay soo galeen Magaalada Muqdisho?

Dagaalyahanadii ugu badnaa ee ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay iney soo galeen Magaalada Muqdisho maalmihii ugu dambeeyey sida uu sheegay Wasiirkii hore ee Amniga  C/risaaq Cumar Maxamed oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

C/risaaq Cumar Maxamed ayaa intaas ku daray in ilo dhinaca sirdoonka ah oo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen in dagaalyahano badan ay ku soo qulqulayaan caasimada.

Waxaa uu sheegay Xildhibaanka in dowladda Soomaaliya laga doonayo inay la timaado qorsho cusub oo lagu sugayo amniga Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar ayaa  waxaa uu sheegay in dowladdu aanay heyn istiraatiijiyadii wax looga qaban lahaa amniga  ama lagu baabi’in lahaa Al-Shabaab, isagoo xusay  in weerarada Al-Shabaab ay ku soo qaadaan Muqdisho ay ugu wacan tahay, iyadoo aan wax weerar ah lagu qaadin degaanada ay joogaan.

Dowladda dhexe ayuu ku eedeeyey xildhibaanku inay ku mashquul ku noqotay oo kaliya baraha bulshada iyo dagaalka siyaasiyiinta iyo dadka ka afkaarta duwan.

Hadalka xildhibaanka ayaa ku soo aadaya xili Al-shabaab ay sii kordhisay weerarada ay jka geysato magaalada Muqdisho oo maalmihii la soo dhaafay ay ka dhaceen qaraxyo lagu hoobtay, dilal qorsheysan iyo duqeymo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -