Ciidamo caawa la wareegay xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Cadaado

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ciidamada NISA ee Galmudug ayaa la wareegayn xaruntii madaxtooyada magaaladaas.

Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee magaalada Cadaado ayaa ayaa muddo gacanta ugu jirtay ciidamo beelleed ka tirsan degaanka, waxaana caawa si buuxda ula wareegay Ciidanka NISA oo ay wehliyaan ciidamada Kumaandoosta Danab qeybtood 21aad ee fadhigoodu yahay Gobolka Mudug.

Taliyaha Ciidamada NISA ee Galmudug Cabdi Dheere ayaa hogaaminayey Ciidamada la wareegay Madaxtooyada magaalada Cadaado, waxayna wararku sheegayaan in amarka ay bixisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya tallaabada ay qaaday dowlada Somalia, iyadoo la filayo in qorsheyaal cusub ay siyaasadeed ay ka bilowdaan degaanada Galmudug oo leh labo hogaan oo kala fadhiya Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -