Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ganacsade lagu dilay duleedka Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxaa goor dhaweyd lagu dilay nin ganacsade ahaa.

Dilka ayaa ka dhacay wadadda loo yaqaan Arbacow ee degaanka Ceelasha Biyaha, kadib markii kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ay goobtiisa ganacsiga ay ku toogteen marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cumar Macow sida dadka degaanku sheegeen.

Ninkan ayaa ahaa Ganacsade Dukaan ku leh degaankaasi, waxaana goobta ka baxsaday kooxdii dilka geysatay, iyadoo aan la ogeyn sababta ka dambeysa dilkiisa.

Waxaa goobta gaaray ciidamada amniga oo baaritaan ka sameeyay ka dib dilka halkaasi ka dhacay.

Magaalada Muqdisho iyo degaanada la xiriira ayaa waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysanayo dad isugu jira askar,, masuuliyiin iyo shacab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliis baadigoob ugu jira haweeney arooskeeda ka riday xabbado Dabaal deg ah

Cabdi Cade

Burcad hubeesan oo dhac ka geesanayay Muqdisho oo la qabtay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Iska hor imaad khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---