Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo la kulansiinayo si khilaafka labada dal xal looga gaaro

Soomaaliya iyo Kenya ayaa xiriirkoodu xiligan gaaray meel aad u xoogan, waxaana labada dal ay kala qaateen safaaradaha, waxa ayna xiisada salka ku heysa xuduuda muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa lagu wadaa in 12-ka bishan Maarso isku arkaan shir ka dhacaya magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda, waxaana shirka kadib la qaban qaabinayaa in kulan toos ah yeeshaan labada Madaxweyne.

Dowlada Uganda ayaa la sheegay in ay dhax dhaxaadin u sameeneyso labada Madaxweyne, waxa ayna Madaxtooyada Uganda dooneysaa in la qaboojiyo xiisada labada dal u dhaxeysa dibna loo soo celiyo xiriirka xumaaday.

Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru ayaa magaalada Kampala uga qeyb galaya shir loogu magac daray ”Shirka Afrika hada” waxaa sidoo kale shirkan kasoo qeyb galaya Madaxweynayaal kale oo Afrikaan ah.

Xal u helida Xiisada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa la sheegay in wax ka wadaan qaar kamid ah Wadamada Afrika iyo sidoo kale Midowga Afrika oo doonaya in la damiyo xiisada labada dal wadahadalna lagu dhameeyo khilaafka.

Dowlada Kenya ayaa ku eedeesay dowlada Soomaaliya in ay xaraashtay shidaal ku jira xadka badda ee labada dal ku muran san yihiin  dowlada Soomaaliya ayaana eedeyntaasi waxbo kama jiraan ku tilmaantay .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -