Nabadoon caan ah oo goor dhow lagu dilay Afgooye & faahfaahino ka soo baxaya

Degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa waxaa goor dhow ka dhacay dil loo geystay nabadoon caan ka ah degmadaas iyo nawaaxigeeda.

Nabadoon Shariif Xassan Allow ka mid ahaa waxgaradka degmada Afgooye.

Dabley bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay iney geysteen dilka nabadoonka, kuwaasoo aan lagu guuleysan in gacanta lagu dhigo.

Waxgaradka iyo qeybaha bulshada degmada Afgooye ayaa si weyn uga naxay dilka Nabadoon Shariif

Maamulka iyo laamaha amniga degmada Afgooye ayaanan ka hadlin dilka nabadoonka oo aysan jirin cid sheegatay, inkastoo dilalka noocan ah looga bartay kooxda Al-Shabaab.

- Advertisement -