Madaafiic goordhaw lagu weeraray xarunta Madaxtooyada Soomaaliya

Waxaa goordhaw tiro madaafiic ah lagu garaacay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee kutaala degmada Wardhiigley, waxaana madaafiicdan qal qal ka abuurtay Madaxtooyada iyo Xaafadaha ku dhaw dhaw.

Qaar kamid ah Madaafiicda ayaa ku dhacay xaafado ku dhaw dhaw xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, lamana oga in madaafiicda lala helay bartilmaameedka lala doonayay oo aheyd xarunta Madaxtooyada.

Wali lama oga in khasaaro ka dhasheen madaafiicdan lagu garaacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, dadka degan xaafada ku dhaw dhaw xarunta Madaxtooyada ayaa ku cararay guryaha shubka ah si ay madaafiicda uga bad baadaan.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -