Allbanaadir.com
NEWS

Duqeyn lagu xasuuqay Haween iyo caruur boqol ka badan oo ka dhacday Siiriya (Daawo Sawirro)

Duqayn ba’an oo ciidamada dowladda Suuriya la beegsadeen bariga magaalada Ghouta ayaa waxa ku dhintay tira dad rayid ah oo aad u fara badan sida ay sheegeen kooxda la socodka xaalladda Suuriya.

Kooxdani ayaa xaqiijisay in Isniintii shalay ay ahayd maalinkii ugu dhimasahada badneyd ee degaankaasi tan iyo intii la go’doomiyay 2013.

Kooxda la socodka xaaladaha xuquuqda aadanaha Suuriya ee saldhigeedu yahay UK ayaa sheegtay in ugu yaraan 100 qof ay ku dhinteen duqaymahaas.

Kooxdani ayaa intaa ku dartay in 20 ka mid ah dadka ku dhintay duqaymaha ay yihiin caruur aad u yar yar.

Muuqaalo laga soo qaaday degaankaas ayaa muujinaya xaalad argagax leh oo halkaas ka taagan, meydadka iyo dhaawacyada dad u badan caruur iyo haween oo la kala gurayo, kala carar iyo khal khal aan la qiyaasi karin.

Ciidamada dowladda Suuriya ayaa dardar galiyay weerarada ay ku hayaan magaalada Ghouta si ay dib ugula wareegaan.

Kooxda la socodka xaaladaha xuquuqda aadanaha Suuriya ayaa waxay sheegeen in 470 qof ay ku dhaawacmeen kuwaasoo qaarkood ay xaaladoodu halis tahay.

Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay oo dhankiisa ku baaqay in dagaalka la joojiyo ayaa sheegay in xaaladda ay ku dhawdahay inay faraha ka baxdo.

Bariga Ghouta ayaa ah meeshii ugu dambaysa ee ku hartay gacanta mucaaradka isla markaana ku dhaw caasimadda Dimishiq.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jeneraal Biixi oo Odayaasha Aadan Yabaal ugu baaqay in gabdho u guuriyaan Ciidamada la jooga

Cabdi Cade

Trump oo hadlay ka dib xil ka qaadistii ay ku sameeyeen xubnaha Congreska

Caydiid Ali

Askari 19-sanno katirsanaa ciidanka dowladda lana shaqeenayay Al Shabaab oo xukun lagu riday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---