Trump oo hadlay ka dib xil ka qaadistii ay ku sameeyeen xubnaha Congreska

Madaxweyne Trump ayaa soo saaray khudbad muuqaal ah oo aan looga hadlin dacwadda xilka xayuubinta ee lagu soo oogay, laakiin wuxuu diirada ku saaray codsi uu u jeediyay dadka Maraykanka oo ah inay midoobaan oo ka hortagaan rabshadaha.

“Marnaba cudurdaar looma sameyn karo rabashadaha. Cudurdaar ma laha ama lama aqbali karo. Maraykanka waa dal ay sharciyo ka shaqeeyaan” ayuu yiri Trump.

Kumannaan Ciidamo ah oo isugu jira boolis iyo kuwa ilaalada qaranka ayaa si weyn u ilaalinayay amniga xarutan congress-ka Maraykanka iyo waliba waddooyinka magaalada Washington, kaddib rabshadihii dhacay toddobaadkii hore.

Hay’adda FBI ayaa ka digtay in kooxo taageersan Trump ay qorsheynayaan inay weeraro kale geystaaan iyagoo ka careysan go’aanka ama dacwadda xil ka xayuubinta Trump iyo waliba caleemo-saarka toddobaadka danbe la caleemo saarayo Joe Biden madaxweynaha la doortay. Duqa magaalada Washington ayaa dadka ku booriysay inaysan gabi ahaan iman caleemo-saarka Joe Biden.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -