Jidadka Muqdisho qaarkood oo la xiray & warar kala ka duwan oo ka soo baxaya

Ciidamada amniga dowlada Somalia ayaa galabta xiray qaar ka mid ah jidadka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho oo laga joojiyey socodka gaadiidka dadweynaha.

Waxaa la arkayey ciidamo fara badan oo isku balaariyey wadada isku xirta xarunta Madaxtooyada illaa Isgoyska Banaadir, taasoo keentay iney xiranto wadada ugu muhiimsan caasimada ee Maka Al Mukarama.

Gaadiid fara badan oo laga soo weeciyey wadadaas ayaa jaam iyo ciriiri xoogan geliyey wadooyinka kale ee magaalada oo iyaga laftooda qaarkood ciidamadu ay ku howlan yihiin iney xiraan.

Lama oga illaa sababta rasmiga ah ee loo xirayo jidadka, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo qaarkood sheegayaa in iney jiraan xaalado amni xumo iyo digniino la xiriira weeraro laga cabsi qabo.

Warar kale ayaa iyana sheegaya in sababta loo xirayo jidadka ay tahay, iyadoo maalinta beri ah la filayo inuu soo gaaro magaalada Muqisho wafdi uu horkacayo raisul wasaare ku-xigeenka dowlada Turkiga oo booqasho maalin ah ku imanaya Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -