Xirnaanshaha Suuqa Weyn ee Bakaaraha iyo Kobaca Suuq Bucaad

Xirnaanshaha Suuqa Bakaaraka iyo Kobaca Suuq Bucaad Waxaa maamla kahor Albaabada leesugu dhuftay Ganacsigii Suuqa Weyn ee Bakaaraha kadib markii qolyaha ugu jeebka buuran ganacsatada halkaas wax ku iibisa qaarkood ay u arkeen hanaan ay Nidaamka dowliga ah uga hor tegi karaan, hase yeeshee waxa ilaaween in uu jiro suuq xoogan oo kaabiga ku haya ganacsatada hogaanka u heysana ay wanaag u arkaan kala danbeynta iyo Sharciga .

Inkasta oo xirnaanshaha Suuqu uu saameeyay dadkii danyarta ahaa ee ku ganacsanayay iyo muruq-maalka hadana macaamiishii kale ee wax ka iibsan jiray wax dhib ah lama kulmin oo waxa ay u weecdeen Suuq-Bucaad halkaas oo baahiyadii adeeg ee ay qabeen lagu daboolay soo dhaweyn wanaagsanna ay kala Kulmeen.

Weecashadaas waxa ay sare u qaaday Ganacsigii ka jiray Suuq-Bucaad waxaana faa’iido badan iyo macaamiil cusub oo qaarkood laga yaabo in ay waligood baaqi kusii ahaadaan ka helay ganacsatadii suuqaas ku ganacsanayay sida uu xaqiijiyay mid kamid ah ganacsatada oo sheegay in maalmahaan wax iibintoodu sare u kacday faa’iido badanna ay ka sameeyeen .

Mid kamid ah macaamiishii hore ee Suuqa Bakaaraka maantana kasoo adeegtay Suuq-Bucaad ayaa waxa uu yiri, “Hadii ay ganacsigooda Xireen innga Lugeheenna Miyey xiri karaan? Suuq Bucad ayaan usoo adeeg doontay hada kadibna isaga ayaan ka adeeganayaa Sababta oo ah qiimihii wax leyga iibin jiray meelaha qaar waaba ka jabanyahay”

Marka la isu geeyo xogaha laga helayo ganacsatada Suuq-Bucaad ee ah kobaca iibka iyo macaamiisha cusub ee ku faraxsan in ay heleen suuq uga wanaagsan kii horay ay ula qabsadeen, waxaa soo bexeysa in saacad kasta oo Suuqa Bakaaraha uu xirnaado ay sare u qaadeyso qiimaha Suuq Bucaad sida uu qabo Axmed Cumar oo ah nin maamulka ganacsiga bartay kaas oo sheegay in waxa lagu tartamo ay yihiin macmiil, Ninkii goobtiisa ganacsi xirayna uu iska diray macaamiishiisii iska daa in macmiil cusub kusoo biiree.

Dhanka kale, waxaa galabta dib u furmay qeybo kamid ah Ganacsigii Suuqa Bakaaraha kadib markii ay ganacsatadii lahaa goobahaas ganacsi ay ogaadeen in ay ku qasaarayaan xirnaanshaha siyaasadeysan ee Suuqa Bakaaraha Mid kamid ah ganacsatada maanta dib u furay goobahooda ganacsi oo aan la hadlay ayaa rajeeyay in barri la furi doono inta badan ganacsiga Bakaaraha

W/Q Abdifitah Hashi Nur Nuurbiin78@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -