Wiil Soomaali ah oo Afar jeer Qaab adoonimo ah loogu kala iibsaday dalka Liibiya

Dalka Liibiya waxaa xaalad adag ku heesataa Muhaajiriin aad u badan oo kasoo kala jeeda wadamo kuyaala Qaaradaha Afrika iyo Aasiya, waxaana dalkaasi qaab adoonimo ah loogu iibsadaa gudaha dalka Liibiya.

Maxamed Cabdiraxmaan waxa uu kamid ahaa dhalinyaro Soomaaliyeed oo qaab tahriib ah ku gala dalka Liibiya, waxa uuna wiilkan dhalinyarada qorshihiisu ahaa in uu Yurub uga sii gudbo Liibiya si uu nolol wanaagsan u helo.

Nasiib daro Maxamed Cabdiraxmaan hamigiisa uma rumoobin waxa una gacanta u galay markii uu Liibiya tagay kooxo magafayaal ah oo dadka ka ganacsada, waxa ayna kooxdan uu kala kulmay dhibaato aad u badan.

Maxamed oo kamid ahaa dadkii Soomaaliyeed ee dhawaan lagu soo celiyay magaalada Muqdisho ayaa uga waramay Warbaahinta dhibaatadii adkeyd uu lasoo kulmay intii uu ku sugnaa dalka Liibiya.

Waxa uu sheegay Maxamed in afar jeer qaab adoonimo ah loogu kala iibsaday gudaha dalka Liibiya, waxa uuna sheegay in afartaas mar dad kala duwan laga iibiyay sidoo kale lacag kala duwan lagu iibiyay.

 

“Afarta jeer ee la i gatay intaan Liibiya joogay qiimo kala duwan ayaa la igu iibsaday, mar la iga bixiyay $5,500, mar al iga bixiyay $6,250 iyo mar $4000 la iga bixiyay” ayuu yiri Maxamed.

Maxamed ayaa sheegay in si xun loo ciqaabo dadka Muhaajiriinta ee gacanta u gala Magafayaasha, waxa uuna intaa ku daray in dadka la garaaco sidoo kale loo diido raashinka iyo biyaha.

“Ciqaantu way kala duwan tahay, Mararka qaar cunnada ayaa lagaa jarayaa,xerooyin usha ayaa laguugu badinayaa, halka meelaha qaarna biyo qabow lagugu rusheynaa” ayuu intaa ku daray Maxamed.

Wiilkan waxa uu sheegay in markii dambe uu kasoo baxsaday koox afduub ahaan u heesatay oo laga iibiyay, waxa uuna tilmaamay in dhibaato xanuun badan kala kulmay markii uu kasoo baxsanayay gurigii uu ku xayirnaa uu ka cararay Salaada subax.

“Markii salaad subax la tukaday intaan iska dhigay wax suulida aadaya ayaan aayar albaabka iska furay dabeedna gidaar dheer ayaan ka booday, markii uu gidaarka ka booday waxaan suuxsanaa muddo 20 daqiiqo ah balse waxaasi oo dhan waxaa iiga darnaa in dib ugu laabto gacanta kooxdii i haysatay, Markii dambe waxaan is iri xanuunkan lagaaga daran, aniga oo si daciifnimo ah ku kacaya oo gidaarada cuskanaya ayaan is iri sidan haddii laguugu soo gaaro xaaladaada way cuslaanaysaa”ayuu yiri Maxamed.

Maxamed ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu dalkiisa dib ugu soo laabto, waxa uuna cadeeyay in uusan mar dambe tahriibeen uuna rajo ka qabo in uu dalkiisa kunoolaado uuna ka helo shaqo wanaagsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -