Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu Aadan Madoobe kala hadlay Madaxda afar heyadood oo caalami ah?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay madaxda hay’adaha UNICEF, UNFPA, UNWOMEN iyo UNDP ee Soomaaliya.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa ugu horeyn ka dhageystay warbixinada shaqooyinka sanadkii tagay ee 2023-ka la qabteen Golaha Shacabka iyo qorshayaasha 2024.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay kor u qaadista aqoonta iyo tababarada Xildhibaanada, dib u eegsita dastuurka KMG ah iyo guud ahaan wadashaqeynta Golaha Shacabka iyo hay’adaha Qaramada Midoobay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS ayaa madaxda hay’adaha UNICEF, UNFPA, UNWOMEN iyo UNDP ee Soomaaliya uga mahadceliyay shaqada wanaagsan oo ay ka qabteen dalka.

Waxaa uu kula dardaarmay in sanadkaan laba jibaaraan dhammaan shaqooyinka ay dalka ka hayaan gaar ahaan BJFS oo ay hortaalo shaqooyin muhiim u ah geedi socodka dowladnimada Soomaaliya.

Related posts

Haweeneydii laga sii daayey afduubka Al-Shabaab oo xil sare loo Magacaabay

Caydiid Ali

Qaybta 2 aad :-Maxaad kala socotaa Mucjisooyinkii cajiibka ahaa ee la siiyey Nebi Muuse CS?

admin

(Sawirro) Axmed Madoobe iyo Feysal Cali Waraabe oo kulan ku yeeshay Nairobi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---