Nin ay dowlada Iran ku xukuntay dil oo isagoo xabsi ku jira la siiyey dhalasho dal kale

Sweden ayaa sheegtay iney dhalashada dalkaas iyo Baasaboorka muwaadinimo siisay Ahmadreza Djalali oo dhawaan dowlada Iran ku xukuntay dil toogasho ah.

Ahmadreza Djalali oo ku noolaa dalka Sweden ayaa muddo dheer ka shaqeysan jiray dalkaas waxana uu heystay daganaanshaha dalka Hase yeeshee waxa uu safar ku tagay dalka iiraan.

Safarkiisa Iiraan ayaa la xiriiray inuu Casharo ka bixiyo jaamacad ku taalla dalkaasi hase yeeshee Dowlada Iraan ayaa ku eedeysay inuu dalkaas u joogay howlo basaasnimo.

Sanadkii hore ayaa dowlada Iiran waxay ninkaasi soo taagtay Maxkamad waxaana ay ku xukuntay dil toogasho ah.

Dowlada Sweden ayaa ka soo horjeesatay Go’aanka Maxkamada waxayna dalbatay inay la kulanto Ahmadreza Djalali balse Dowlada Iraan ayaa diiday in lala kulmo.

Qeybta qaabilsan Arimaha Dibada ee dowlada Sweden ayaa sheegtay in Ahmadreza Djalali la siiyay Baasaboorka weyn ee loo yaqaano Medborgare waxaana ay ku howlan tahay sidii loola kulmi lahaa inkastoo aysan weli u suuragelin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -